111 Views

Qoysas ku jira xero lagu barakacay oo isku tashi ku iibsaday gaari ambalaas ah

Qoysas ku jira xero lagu barakacay oo isku tashi ku iibsaday gaari ambalaas ah
____________________________________________________________________________

MUQDISHO – Lix boqol toddobaatan iyo siddeed qoys oo ku nool xerada Da’ iyo danyar oo ku taalla duleedka Muqdisho ayaa si isku tashi ah ku iibsaday gaari Ambalaas ah, kaas oo lagu geeyo dadka wajaha xanuunnada iyo dhaawacyada xarumaha caafimaad.

Gaarigan oo ah celis ayay ku iibsadeen bishii Oktoobar ee sanadkii hore $1,200. Wuxuu daboollay dhibaatadii ka haysatay gurmad la’aan ay la kulmi jireen marka xanuunno ay ka dillaacaan xerada.

Nuurto Maxamed Cabdiraxmaan oo 42 jir ah waxay ka mid tahay haweenka ka faa’iideystay gaarigan 7 bishan Janaayo. Waxaa lagu qaaday xilli habeen ah, markii ay awoodi waysay in ay ku dhasho gurigeeda.

“Toddobo saac iyo bar bay fool i qabatay. Gaarigii baa darisku ii waceen. Waa laygu qaaday. Meel baa la igeeyay. Wax maka qaban karno ayay I dheheen. Isbitaal banaadir baa la igeeyay. Gargaar baan helay, Faleenbooyin baa la isiiyay, haddana daawooyinkii markaan dhameystay anigoo caafimaad qaba ayaa layga soo bixiyay.”

Waxay sheegtay in ay ku adkaan lahayd helidda gaari kale, maaddama xeradeeda ay u jirto Muqdisho 8 km, gaadiidna uusan imaan habeenkii. Nuurto oo ku dhashay wiil isbitaalka Banaadir ayay xaaladdeedu wanaagsan tahay.

Nuurto markii labaad ayay adeegsatay gaarigan oo bilaash ah. Bil ka hor ayay ku gaysay isbitaal labo ka mid ah carruurteeda oo jadeeco ay ku dhacday.

Tan iyo markii la iibiyay Ambalaasta waxaa lagu qaaday 125 qof oo ay ka mid tahay Nuurto, kuwaas oo u baahnaa gurmad caafimaad. Waxay u badnaayeen carruur xanuunno ku dhacay la ildarnaa iyo haween ay fooshu ku adkaatay.

Qoyska Nuurto oo 8 qof ka kooban waxay iibinta gaariga kaga qayb qaateen $1 oo qayb ahaan ku soo aadday, si lamid ah qoysaska xerada la deggan. Waxay ku faraxsan tahay in ay meesha ka baxday caqabad ka haystay gurmad la’aanta.

“Gaarigaan haddii aynaan haysan lahayn waxay keeni lahayd in guri aan ku dhiig-baxo, cunugguna igu dhex-dhinto. Gargaar la’aan ayaan guriga ugu jiri lahaa, qof aan wacdana waxba iima qabteen. Waan ku dhibtoon lahaa. Intaan la iibinin dhibaato xoog leh baa lagu jiray.”

Haweenaydan waxay ka soo barakacday lix bil ka hor dagmada Qoryooley, markii daad ka dhashay roobka Dayrta uu baabi’iyay beer 3 hiktar ah oo ay la haayeen. Waxaa ugu beernaa dalag kooban oo ay rajaynayeen in ay cunno ahaan u isticmaalaan.

Duruufta ayaa ku qasabtay ay ka barakacaan deegaankooda, markii ay waayeen waxay quutaan. Qoyska Nuurto ayaa ku tiirsanaa ka hor inta aysan umulin shaqooyin xoogsi ah sida dhaqidda dharka iyo qashin guridda.

Waxay sheegtay in ay howshaas ka istaagtay, maaddama ay isbitaal ku jirto, hase ahaatee carruurteeda ayaa dabka loo saaraa kiilooyin raashin ah oo ay u kaydisay ka hor inta aysan dhalin.

Saygeeda ayay uga soo tagtay carruurta, kaas oo la ildaran xanuunka macaanka oo muddo shan sano ah hayay. Waxay xustay in uusan hayn awooddii uu ku soo dhiciyay nolol-maalmeedka qoyskeeda. Waxay rajaynaysaa in Amlaasta ay dib ugu celiso gurigeeda marka laga saaro isbitaalka.

Gaarigan lacagtiisa waxaa bixiyay 678 qoys oo min $1 laga qaadday, halka maamulka xerada uu ku daray  $522 sida uu sheegay Cali Diini Macallin oo ah guddoomiyaha xerada lagu barakacay.

Waxaa jira qoys ku cusub xerada oo aan bixin lacagta dhaqaale la’aan haysay darteed, balse uu caawiyay gaariga. Waxaa ka mid ah Xabiibo Xasan Cabdi oo 27 jir ah oo bishii Novembar ee sanadkii hor ku biirtay xerada barakaca Da’ iyo danyar.

Shantii bishan Janaayo ayay isbitaal ku yaalla Muqdisho ku gaysay gabar labo sano jir ah oo xanuunka shuban biyoodka uu soo ritay. Waxay dalbatay gaariga Amblaaska ah, kaas oo gurmad u fidiyay.

“Dhaqso ayuu iigu imaaday. MCH-ka baa la ii geeyay. Noloshayda waxbadan buu ku soo kordhiyay. Cunug baa iga xanuunsanaya waan wadaanaa. Naag baa fool qabanaysaa way wadanaysaa. Markii hore naagaha bannaankay ku dhali jireen. Gaari la’aanta mar mar ama siddeed saac oo habeenimo ma helaysid. Ilmaha xanuunsan jidka ayuu kaaga dhiman karaa.”

Xaaladda caafimaad ee gabadheeda ayaa soo hagaagaysa. Waxay sheegtay in markii xanuunku uu soo ritay ay qaadatay go’aan deg deg ah oo ay isbitaalka ku gaysay iyadoo aan wax welwel ah ka qabin helidda Ambalaas qaadda.

Xabiibo waxay saddex bil ka hor ka la soo barakcday qoyskeeda degmada Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha hoose, kaddib saameyn uu ku yeeshay webiga oo ku fatahay. Wuxuu baabi’iyay beer ay ka shaqayn jirtay.

Markii ay timid xerada barakaca waxay billowday in ay u lugayso subax kasta kasta Muqdisho. Xaafadaha magaalada ayay dhar-dhaqis u aaddaa, halkaas oo ay ka hesho nolol-maalmeed, mararka qaarna waxay tagtaa suuqyada oo ay ka xoogsato.

“Biyo badan baan ka soo qaxay. Meeshaan (Muqdisho) ayaan imaaday. Waxaa aadaa bakaaro. Waxaan ku tiirsannahay xamaali iyo dhar-dhaqow.”

Waxay sheegtay in ay qorshaynayso ka bixidda isbitaalka toddobaadkan. Si ay dib ugu laabto shaqdeeda oo lama huraan u ah, maaddaama ay kabiisho qoyskeeda oo ku jira xaalad barakac.

Guddoomiyaha xerada Da’ iyo danyar Cali Diini Macallin ayaa Radio Ergo u sheegay in dadka soo barakacay ay ay caqabad kala kulmi jireen gaadiid la’aanta xerada ka jirta marka ay la soo gudboonaato xaalad caafimaad darro.

Wuxuu xusay in uu goob-joog u ahaa dhacdooyin mahadho ku reebay, kuwaas oo isku jiray haween dhiig-baxay iyo carruur xanuunno ku soo booday u dhintay, markii loo waayay gaadiid lagu geeyo xarun caafimaad.

Wuxuu intaas ku daray in xilli habeen ah bartamihii sanadkii hore ay garbaha ku qaadeen gabar foolanaysay. Si ay u geeyaan isbitaal u jira wax ka badan 8 km, balse ay dhashay iyagoo u jira xarunta caafimaad in ka yar 50 tallaabo. Arrintan ayaa ku dhalisay Cali in dadka soo barakacay ay helaan Ambalaas ay leeyihiin.

“Mujtamaca intii wax garadka ahaa ayaan u yeeray. Fekraddii baan ka gaday. Wax yaroo aan dhibayn ayaan ka qaaday intii kalana anigaa dhameystiray. Fekraddan wax IDP kale ka dhacay maahan. Kaamkii ugu horreeyay isku tashi uu sameeyay gaari Ambalaas ah sameysta waa kii ugu horeereeyay mid kale lama soo helayo.”

Xeradan ayaa la hirgeliyay dabayaaqadii sannadkii 2019, waxayna ku door bideen qoysaska deggan inay tahay goob carro san iyo balan qaad ay ka heleen dadka dhulalka leh oo u sheegay  in deegaameysigoodu uusan ku ekeyn waqti dhaw.

Sannado kaddib oo ay duruufo kala duwan ku wajahayeen xerada waxay xal kama dambeys ah ka gaareen inay yeeshaan Amblaas u adeegta, waxaana bixiya shidaalka uu ku shaqeeyo gaariga guddiga xerada maamulla.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post