330 Views

Doorashadii Kenya ugu dheereed oo lagu wado in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo Madaxweynaha iyo xafladii ku dhawaaqista oo socota

Doorashadii Kenya ugu dheereed oo lagu wado in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo Madaxweynaha  iyo xafladii ku dhawaaqista oo socota
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 15, 2022

Wararka ka imaanaya dalka Kenya oo maalmihii la soo dhaafay ay ka socotay doorashadii ugu dheereed ee ka dhacday caalamka oo qaadatay  8 cisho ayaa la soo gaban gabeeyay.

Waxaa ku tartamaya Doorashada Kenya  William Ruto Raila Odinga oo ah laba musharax oo siyaasada in badan ku soo dhex jiray, waxaana haatan socota xafladii ku dhawaaqista.

Xarunta Bomas ee maalmihii la soo dhaafay ay ka socotay Tirinta Codadka musharixiinta ayaa ka duwan saakay sidii maalmihii la soo dhaafay, waxaana jooga Madax ka socota caalamka, sida USA, EU, Midowga afrika jamacada carabta iyo kor joogayaal caalami ah oo sugaya ku dhawaaqista madaxweynaha lagu muransan yahay ee Kenya 2022.

Sidoo kale waxaa yaraa shaqada iyo ganacsiga dalka Kenya 7 cisho ee la soo dhaafay kadib markii dadka ay intooda badan u dareereen doorashada oo ay codadka ka soo dhiibanayeen Gobolada Dalka, taasi oo sababtay in ay faaruq noqoto magaalada Nairobi.

Cabdixakiin Cilmi xasan

Nairobi

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post