1398 Views

Mid Ka Mid Ah Xaasaska Madaxweynihii Hore Ee Suudaan Oo Laga Hor-Joogsaday Inay Dhoofto

Mid Ka Mid Ah Xaasaska Madaxweynihii Hore Ee Suudaan Oo Laga Hor-Joogsaday Inay Dhoofto
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 16, 2019Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa la sheegay inay Xaaska 2-aad ee Madaxwihii hore ee dalka Sudan, Cumar Xasan Albashiir iyo carruurteeda iyo Walaalkiisa u diideen fasax ay kaga dhoofaan dalka Koonfurta Suudaan.

Shabakadda Wararka ee Masraawi ee dalka Masar ayaa qortay in Xaaska 2-aad ee  Albashiir oo lagu magacaabo Widaad Babikar Cumar iyo carruurteeda iyo Nin la dhashay Albashiir o olagu magacaabo C/llaahi Xasan Al-bashiir ayaa la hor joogsaday inay ka ambabaxaan Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba, iyagoo raaci lahaa Diyaarad Rakaab oo ku sii jeeday caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Dubai.

Shabakadda Masraawi waxay kaloo qortay inay Dowladda Suudaan ka codsadeen Qaraabadda Alshabaab inay isku tijaabiyaaan inay Khartoum kaga dhoofaan dalka Imaaraadka Carabta, ee aysan ka dhoofi karin Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Jubba.

Widaad Babikar Cumar waxay iyada iyo carruurteeda bishan April 10-dii ka soo dhoofeen Khartoum, hal maaalin ka hor Afgembigii Albashiir, waxayna maalmihii la soo dhaafay ku sugnayd Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba.

 

Dhinaca kale, Albashiir walaalkiisa, C/llaahi Xasan Al-bashiir  waxa la sheegay inuu tan iyo bishan April 6-dii socdaal Ganacsi ku joogay isla Caasimadda Koonfurta Suudaan ee Jubba.

 

Si kastaba ha ahaatee, arrinta Xayiraaddooda ayaa timid, kadib, markii Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al-bashiir xilka laga tuuray bishan April 11-di, waxayna Millitreigii afgembiyey sheegeen inay Xabsi Guri ku hayaan.

 

Albashiir waxa u utalada dalkaasi hayey tan iyo bishii June 30-dii  ee sannadkii 1989-kii.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment