288 Views

Wasiirka waxbarashada Hirshabeelle oo kormeeray deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta

Wasiirka waxbarashada Hirshabeelle oo kormeeray deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta
____________________________________________________________________________

Axad: January 15 2023  

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sarre ee maamulka Hirshabeelle, Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee wasaaradda Amiin Mukhtaar Axmed iyo xubno lataliyeyaal ah ayaa kormeer qiimeyn iyo indho-indheyn ah ku tagay degmooyinka laga xorreeyay Khawaarijta.

Wasiirka ayaa booqday degmooyinka Aadan-Yabaal, Raage Ceelle, Cadalle iyo Warsheikh iyo deegaannada kale ee hoostaga, halkaas oo uu kula kulmay bulshada qeybaheeda kala duwan kan dhageystay baahiyaha waxbarasho ee ay qabaan.

Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle oo la hadlay dadka deegaanka ayaa ku bogaadiyay yididiilada ka muuqata iyo sida ay isaga diideen dhagarta iyo gumaadka kooxda Khawaarijta Al-shabaab, wuxuuna balan qaaday in ay deg deg u geynayaan deegaannada la xorreeyay adeegyada waxbarasho ee u baahan yihiin.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ku guuleystay in ay kooxda argagixisada ka ciribtiraan gobolka Shabeellaha, halkaas oo ay hadda neecowda nabadda iyo hormarka dowladnimo laga dareemayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post