615 Views

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo eedeyn kulul u jeediyay taliye Xijaar

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo eedeyn kulul u jeediyay taliye Xijaar
____________________________________________________________________________

Talaado: April 26, 2022

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed nuur ayaa si caro leh uga hadlay shaqaaqadii shalay ka dhacday Airport hoteel halkaas oo lagu dhaarinayey xildhibaanada cusub ee lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee ka tirsan gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa sheegay in markuu tagay halka shaqaaqada ay ka dhacday la dul dhigay goobta dhaarinta xillbaadan uu arkay wax aan wanaagsaneen, isaga oo eed u jeediyey taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xssan Maxamed Xijaar.

Sidoo kale, Wasiir Cabdullaahi Maxamed ayaa taliyaha Booliska ku eedeeyey Inuu mas’uul ka ahaa wixii shalay dhacay, isagoo tibaaxay inuu taliye Xijaar uu ka shaqeenayo arrimo siyaasadeed.

Ugu dambeyn, wuxuu tilmaamay Wasiir Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur in taliye Xijaar uu sameeyey amar diido ka dhan ah isaga, kadib markii uu ku wargaliyey in ciidamada laga dul qaado goobta dhaarinta Xildhibaanada 16-ka ah ee lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post