753 Views

Dowladda Canada oo shaacisay in Markii ugu horreysay Kiisaska dhimashada Covid 19 laga waayay

Dowladda Canada oo shaacisay in Markii ugu horreysay Kiisaska dhimashada Covid 19 laga waayay
____________________________________________________________________________



Mogadisho | QOL |  September 12 2020
—Kanada ayaa  shaacisay in markii ugu horreysay dalkeeda laga waayay  dhimashada COVID-19 ayna noqotay baaritaanadii 24-kii saac ee la soo dhaafay (0) markii ugu horreysay tan iyo 15-kii Maarso, sida laga soo xigtay xogta wakaaladda caafimaadka bulshada.

Tirada dhimashada Kanada ee corona virus  waxay istaagtay 9,163 laga bilaabo Sebtember 11, oo la mid ah tirada dhimashada ee la soo sheegey Sept. 10, xogta dawlada ayaa muujisay.

Dowladda Waxa ay sheegtay in guulo waa weyn ay gaartay xakameynta cudurka corona virus labadii bilood ee ugu dambeysay.

Iyada oo gobollada badankood ay fududeynayaan xayiraadaha xiritaanka iyo sida ay iskuuladu dib ugu furmayaan fasalada qaarkood

Masuuliyiinta ayaa heegan buuxa  galiyay adeegyada Caafimaadka si ay uga fogaadaan in mar kale uu dillaaco, gobolada ay ka mid tahay British Columbia waxay soo rogeen xakameyn cusub si looga hortago faafida viruska.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post