648 Views

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Muqdisho si wayn loogu soo Dhaweeyey

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Muqdisho si wayn loogu soo Dhaweeyey
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 8, 2022

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo xubno la socday ayaa maanta dib ugu soo laabatay dalka gara ahaan Muqdisho, kadib howlo shaqo oo uu dibada ugu maqnaa.

Cali Guudlaawe waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kusoo dhaweeyay xubno katirsan xildhibaanada labada Aqal, Wasiiro heer federaal ,qaar kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Hirshabeelle, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeybgalka caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu wado in berri oo Khamiis ah lagu qabto teendhada Afisiyooni.

Waxaa maanta sidoo kale la filayaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada iyo wafuud kale oo heer caalami ah kuwaa oo ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post