717 Views

Dowladda Somalia oo markale diiday qorsho lagu bedelayo howgalka AMISOM

Dowladda Somalia oo markale diiday qorsho lagu bedelayo howgalka AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 12, 2021=Shalay ayaa Warbixin kasoo baxday Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika waxaa lagu taageeray hawlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ee hoos imaanaya Cutubka VII ee howlgalka nabad -ilaalinta Soomaaliya, hayeeshee dowladda Soomaaliya ayaa markale diiday qorshahaas.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal u dirtay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, iyada oo ku sheegtay in aysan ogoleyn in la ballaariyo Qorshaha Howlgalka AMISOM laguna daro howgalka Qaramada Midoobay ee Soomaliya.

Qoraalka Xukuumadda Soomaaliya oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu cadeeyay in Soomaaliya ay tahay dal madax banaan, isla markaana ay  muhiim tahay in la tixgeliyo qaraarkii Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay  2568 soona baxay 2021 kaas oo ogolaanayay in Ciidamada Soomaaliya ay amniga dalka kala wareegaan Ciidamada AMISOM.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonaan shaqadii socotay sadaxdii bilood ee la soo dhaafay si ay u dhammaystirto hannaanka Wadajirka ah ee hada qabyada ah.

Bilihii July iyo Agoosto ayaa waxaa dhowr shirk u yeeshay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho Guddi ka socday Midowga Afrika iyo Mas’uulyiin uu kamid yahay wasiirka Gaashaandhigga & Taliyaha xoogga, iyaga oo ka wada hadlay qorshaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ammaanka dalka ugala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Soomaaliya meelo badan oo kamid ah waxa ku sugan Ciidamo ka socda qaar kamid ah dalalka Afrika, iyaga oo ku howlgalla Magaca AMISOM, isla markaana Ciidamada dowladda ka caawiya la dagaalanka Al-Shabaab.


Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post