1863 Views

Axmed Cabdikariin Gabeyre oo ka mid ahaa musharaxiintii kursiga Hop067 oo sheegay in Yaasiin Farey uu shirqoolay Dawo Muqaalka

Axmed Cabdikariin Gabeyre oo ka mid ahaa musharaxiintii kursiga Hop067  oo sheegay in  Yaasiin Farey uu shirqoolay Dawo Muqaalka
____________________________________________________________________________


khamiis: December 9, 2021

Axmed Cabdikariin Gabeyre oo ka mid ahaa musharaxiintii kursiga Hop067 ee Yaasiin Farey uu ku soo baxay ayaa sheegay in guddiga xalinta khilaafaadka ay u dhigeen dabin iyo shirqool halis ah.

Musharaxaan ayaa sheegay in guddiga uu u gudbiyey dacwad ka dhan ah Yaasiin Farey, balse ay u ballamiyeen Yaasiin Farey oo si khasab ah warqad uga saxiixay.

Axmed Cabdikariin oo ka sheekeeyey qaabkii loo shir qoolay ayaa sheegay in xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka ee dacwada uu u gudbiyey ay ku balamiyeen goob uu joogo Yaasiin Farey, kadibna mudo 10 daqiiqo ah uu la shiray Yaasiin oo ku qasbay inuu ka laabto dacwada kursigaas.

“Xubnihii guddiga markii aan u tegay waxay i geeyeen goob xero ciidan ah oo Yaasiin Farey uu joogo, goobtaas waa xarunta NISA ee garoonka u dhaw, aniga iyo Yaasiin halkaas ayaan iska raacnay, markii aan tagnay xafiiskii guddiga khilaafaadka, waxay nagu yiraahdeen ma wada socotaan? Shaki badan ayaa i galay aniga, waxaana ku adkeystay in dacwadii aan watay,” ayuu yiri Axmed Cabdikariin.

Waxa uu sheegay in isaga iyo Yaasiin Farey ay goobtaas ku murmeen, isla markaana guddigu ay uga baxeen xafiiska, taas oo ugu dambeyn ku qasabtay in warqad dacwad ka noqosho ah laga saxiixo.

“Yaasiin waxuu igu yiri ka laabo dacwadaan waxaba kama dheefeyside, guddigii waxay nagu dhaheen 10 daqiiqo shira, waana nooga baxeen xafiiskii, wax aan 10 daqiiqo dhameyn ayaan wada fadhinay, waxaana go’aansaday in ammankeyga aan ka shaqeeyo, dareenkeygu waxuu isiiyey in warqad dacwad ka noqosho ah aan qoro, warqadii guddigaa soo qoray, ana waan u saxiixay, si aan u badbaadiyo nafteyda,” ayuu yiri Musharax Axmed Cabdikariin.

Intaas kadib waxa uu sheegay in dib uu uga laabtay warqadii uu saxiixay ee dacwad ka noqoshada aheyd, oo guddigii uu dib ugu laabtay, haatana ay dacwo kale u furan tahay.

“Guddigii ayaan ku laabtay, waxaana ku iri arrinkii aad igu sameyseen mid sax ah ma aheyn, waad i shir qoosheen, anigoo badbaadinaaya nafteyda ayaad warqadaas iga saxiixdeen, laakiin hada waxaan diyaar u ahay in dacwadeydii aan dib ugu noqdo, hadda waxaa ii socota dacwadeyda, laakiin waxaan aaminsanahay in aysan ku dhamaa doonin si xaq iyo xalaal ah,” ayuu yiri Musharax Axmed Cabdikariin.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay go’aanka guddiga xalinta khilaafaadka ay ku hakiyeen natiijada kursigaas, isagoo sheegay in waxba aysan kasoo baxi diinin oo hadaba lasii ogyahay natiijada soo socota.

By Zahra Axmed Gacal 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post