579 Views

waxaa maalintii labaad galaya shirka Golaha Wadatashiga, kaasi oo si rasmi ah shalay uga furmay magaalada Muqdisho.

waxaa maalintii labaad galaya shirka Golaha Wadatashiga, kaasi oo si rasmi ah shalay uga furmay magaalada Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Talaado: January 4, 2022

Maanta waxaa maalintii labaad galaya shirka Golaha Wadatashiga, kaasi oo si rasmi ah shalay uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka oo qayb ahaan horey uga billaabatay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo.

Khilaaf ayaa hareeyay doorashadani waqtigeeda la dhaafay, iyadoo Guddiga Hiragalinta Doorashooyinka Heer Federaalna uu dhawaan kala qaybsamay.

Shirka waxa ka qaybgalaya dhammaan Madaxweynayaasha Maamul Gobolleedyada shanta ah, duqa magaalada Muqdisho iyo Ra’isul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble.

shirkan ayaa horey waxaa ugu dhawaaqay Ra’iisal wasaare Rooble, wuxuuna ku soo beegmayaa xilli khilaaf xooggan uu dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaarihiisa.

khilaafkan ayaa dib u dhac hor leh u keenay doorashada markii horeba xilligeeda dhaaftay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post