585 Views

Cayaaryahan Mbappe oo ka tagaya PSG Xidhitaanka Suuqa Kala Iibsiga

Cayaaryahan Mbappe oo ka tagaya PSG  Xidhitaanka Suuqa Kala Iibsiga
____________________________________________________________________________

.

Axad: August 29, 2021

Suuqa kala iibsiga ayaa galay maalmihiisii ugu dambeeyay kooxaha ayaana lala  xidhiidhinayaa xiddigo ay donayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda.

Suuqa kala iibsiga ayaa sida caadada ah maalmaha ugu dambeeya noqda mid mashquul ah iyada oo ay ka soo baxaan saxiixyo lama filaan ah waliba kooxo badan si xawli ah u galaan baankana u jabiyaan saxiixyada ay doonayaan.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada laga yaabaa in la dhamaystiro 6-da maalin ee ka hadhsan xidhitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda chelsea ayaa dhankooda ku dhaw saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Sevilla ee Kounde kadib markii uu xiddigu noqday bartilmaameedka 1-aad ee tababare Thomas Tuchel si uu ugu xoojiyo daafaciisa, Kounde ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda chelsea.

Kooxda Real Madrid ayaan wali ka quusan saxiixa xiddiga reer France ee Kylian Mbappe waxana ay xalay Dalab Rasmi ah oo dhan 160 milyan oo euro miiska u saareen kooxda PSG si ay u helaan saxiixa.

Si kasta ha ahaatee PSG ayaa isla markiiba diiday dalabkaas laakiin Los Blancos ayaa la filayaa in ay dalab cusub kula soo laabato kooxda PSG maalmaha soo socda.

Waxa ay aad ugu muuqataa in uu Saul Niguez isaga tagi doono Atletico Madrid kadib muddo badan oo la hadal hayay mustaqbalkiisa.

Xiddiga khadka dhexe ayaa haatan si weyn loola xidhiidhinaya kooxaha Man United iyo chelsea iyada oo Blues haatanba wadahadalo la qaadatay kooxdiisa si ay qaab amaah ah ugu hesho xiddiga khadka dhexe.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post