861 Views

47 Muhaajiriin oo ku geeriyootay Dooni ku cilladowday Badweynta Atlantic

47 Muhaajiriin oo  ku geeriyootay Dooni ku cilladowday Badweynta Atlantic
____________________________________________________________________________

.


Arbaco: August 18, 2021

Ugu yaraan 47 Muhaajiriin Afrikaan ah, ayaa ku geeriyootay Dooni ku cilladowday Badweynta Atlantic, gaar ahaan meel ku dhow Xeebaha dalka Mauritania.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IOM ayaa sheegayin ay Muhaajiriinta saarnaayeen Dooni Badda sabaynaysay muddo 2 isbuuc ah.

Wargeyska El Paso ayaa qoray in 7 Muhaajiriin oo ka badbaaday Doonida laga helay Xeebaha dalka Mauritania, kuwaasi oo kala ah 6 Haween iyo hal Nin  iyadoo 4 ka mid ahna ay xaalladooda aad u liidato.

Muhaajiriinta la socotay Doonidaasi waxay ka soo kala jeedaan dalalka Mali, Senegal,  Mauritania,  Ivory Coast iyo Gini.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post