861 Views

Heshiis hordhac ah oo la kala dhex-dhigay maleeshiyaad dagaalamay

Heshiis hordhac ah oo la kala dhex-dhigay maleeshiyaad dagaalamay
____________________________________________________________________________

Kadib kulamo maalmihii la soo dhaafay ka socday degmada Baxdo Gaabo ee gobolka Mudug ayaa waxaa lagu guuleystay in heshiis hordhac ah la kala dhex-dhigo laba Maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay duleedka degmadaas.

Kulamada Nabaded oo ay horkacayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Maamulka Gobolka Mudug, Saraakiisha Ciidamada Federaalka iyo Galmudug iyo waxgaradka labada Beelood aya lagu guuleysay in maleeshiyaadka la kala qaado xabad joojina la kala dhex-dhigo.

Inta ay kulamada socdeen ayaa waxaa looga wada hadlay in meesha laga saaro waxyaabaha soo cel celiya Colaada labada Beelood iyo sida looga gudbi karo xalna looga gaari karo dhibaatada ka dhalatay dagaalkii dhex-maray labada maleeshiyo Beeleed.

Maanta ayaa waxaa la filayaa in la dhameystiro heshiiska, isla markaana la fuliyo qodobada horudhaca ah ee la gaaray si colaada labada maleeshiyo beeleed loo dhameeyo.

degmada Baxdo Gaabo ee gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labada maleeshiyo beeleed, hayeeshee Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku guuleysteen in ay joojiyaan dagaalkaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post