930 Views

Guddi ka shiraya sidii uu u Furmi lahaa shirka 20 bishan lagu wado in ay ku kulmaan

Guddi ka shiraya sidii uu u Furmi lahaa shirka 20 bishan lagu wado in ay ku kulmaan
____________________________________________________________________________

May 17 2021

Guddigaan ayaa Shir gaar ah ka yeeshan qaban-qaabada Shirka Wadatashiga Qaran ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu isugu yeeray Madaxda maamul Goboleedyada ee la filayo in 20-ka bishaan ka furmo Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa waxaa uu ku sheegay inay bilaabatay qaban-qaabada Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul iyo Gobolka Banaadir.

“Gudiga qaban qaabada ee ka socda maamul Goboleedyada ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdsiho, waxaana kulankan ay yeesheen soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha”ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay soo gaaran Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Dhammaan Madaxda ayaa aqbalay ka qeyb galka Shirka uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii maamulka Doorashada iyo amniga uu kala wareegay Madaxweyne Farmaajo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post