786 Views

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada oo shir ugga furmay Garoowe

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada oo shir ugga furmay Garoowe
____________________________________________________________________________

Isniin: July 5, 2021

Waxaa maanta magaalada Garowe ka furmey kulan wada tashi ah, oo ay arrimaha caafimaaka ka yeelanayaan wasiirka caafimaadka ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyo wasiiradda caafimaadka ee maamul goboleedyada, iyo kan gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa hawl wadeenada wasaarada caafimaadka ee heer federal iyo heer maamul goboleed isku dhaaf sanayaan xogta caafimaadka, iyo dib u eegista heerka caafimaadka ee uu marayo dalka.

Waxaa kamid ah xubnaha ka qeyb galaya wasiirka caafimaadka ee maamulka Puntland, Jaamac Faarax Xasan, isagoo sheegay in shirkani labada heer maamul ay muhiim u tahay habsami u socodka hawlaha caafimaadka.

Shikan ayaa waxyaabaha lagu lafa gurayo waxaa kamid ah sida uu sheegay wasiir Jaamac, sidii si guud caafimaadka dalka Soomaaliya loo wanaajin lahaa, iyadoo aan la ilaaweyn caqabadaha badan ee heysta nidaamka caafimaadka ee dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post