918 Views

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo sheegtay in ay hakiyeen Mashaariic QM ay ka fulin jirtay Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo sheegtay in ay hakiyeen  Mashaariic QM ay ka fulin jirtay  Somaliland.
____________________________________________________________________________


Sabti: December 4, 2021

Saleebaan Cali Koore,Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland oo ka fekereysa madax bannaanideeda in ay hakisay dhammaan wixii mashaariic ahaa ee UN-tu ka qabanaysay.

Wasiirka ayaa hadalkiisa intaa ku daray in mashaariicdan ay dareemeen in ay meel ka dhac ku yihiin masiirkooda gooni isku taaga.

“Waxaanu isweydiinay ma waxaad qaadataan, wax madax bannaanidiina iyo dadka doonistooda waxyeeleeya, oo ah mashaariic yaryar oo UN-tu bixiyaan, mise dadka madax bannaanidoodii ayaad u ilaalisaan, loona dhiman maayo mashaariicda UN-tu bixiso,” ayuu yiri wasiir Koore.

Sidoo kale, Wasiirka ma uusan carabaabin nuuca ay yihiin mashaariicda la joojiyay iyo sida ay dhaawac ugu yihiin madax bannaanida Somaliland. Balse wuxuu xusay in ay jiraan mashaariic la siyaasadeeyay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post