798 Views

Dowladda Soomaaliya oo todobaadkaan fasaxeysa duulimaadyada gudaha

Dowladda Soomaaliya oo todobaadkaan fasaxeysa duulimaadyada gudaha
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 1, 2020–Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya ayaa dib u bilaabi doonta duullimaadyada maxalliga ah toddobaadkan gudihiisa,kuwaas oo horay loogu joojiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen sida la sheegay Saraakiisha laanta hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha iyo Mas’uuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha ayaa waxaa ay isku raaceen in lagu dhaqmo amaro la xiriira ka hortagga COVID–19 oo horay loo soo saaray.

Amarada la isku raacay ayaa waxaa kamid ah in rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradaha xirtaan qalabka lagu daboosho afka iyo Sanka, gacmo gashiga iyo gacmo-nadiifiyeyaasha,si looga hortaggo Cudurka Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya ayaa 29-kii Bishii Maarso waxaa ay si kumeel gaar ah u joojisay duulimaadyada dalka gudahiisa ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus,xilligaas oo kiisaskii ugu horeeyay ee Coronavirus ah laga helay Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment