1266 Views

Ciidama dalka UK oo heegan loo geliyay si ay gacan uga geystaan fududeynta dhibaatooyinka gabaabsiga shidaalka

Ciidama dalka UK oo  heegan loo geliyay si ay gacan uga geystaan fududeynta dhibaatooyinka gabaabsiga shidaalka
____________________________________________________________________________

Talaado: September 28, 2021

Ciidama dalka UK ayaa heegan loo geliyay si ay gacan uga geystaan fududeynta dhibaatooyinka gabaabsiga shidaalka ee sababay in maalintii afaraad safaf dhaadheer loogu jiro.

Ku dhawaad 150 darawallada booyadaha milateriga ah ayaa isu diyaarin doona inay shidaalka geeyaan xarumaha banaan ee gabaabsiga ka noqday shidaalka.

Dowladda ayaa xaqiijisay in 5,000 oo ah darawaliinta baabuurta qaada shidaalka iyo kuwa kale ee xamuulka ay heli doonaan dal ku gal saddex bilood ah oo ay ku joogi doonaan waddankaas.

Barnaamijkan ayaa sidoo kale la filayaa in lasii ballaariyo oo lagu kordhiyo shaqaale gaaraya 5,500 oo kale.

Wasiirka gaadiidka, Grant Shapps, ayaa sheegay in tallaabadan ” ay qayb ka tahay diyaargarowga loogu jiro in xaaladda ay sidii loogu talogalay ahaato” waqtiga lagu jiro fantasyaha.

Balse Rugta Ganacsiga ee Britain ayaa sheegtay in go’aanka kasoo baxay dowladda uu la mid yahay “galaas biyo ah oo lagu shubay dad aad u weyn”.

Sidoo kale ururka gaadiidleyda ayaa sheegay in arrintani “ay tahay mid aan wax saas ah ka qabaneynin baahida, waqtiga la qabtay ee ilaa dhammaadka sanadka ahna uu yahay mid aad u gaaban”.

Hase yeeshee, go’aankan waxaa aad usoo dhaweeyay ururka xirfadleyaasha warshadaha UK, oo ku tilmaamay “tallaabo weyn oo loo qaaday xallinta dhibaatada xamuulka”.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post