756 Views

Somaliland & Kenya oo kala saxiixday heshiis Cusub

Somaliland & Kenya oo kala saxiixday heshiis Cusub
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 22, 2021 —Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye Toorno, iyo wasiirka waxbarashad Kenya George Magoha, , ayaa kulan ay qaateen kaga wada hadley sidii loo kordhin lahaa, iskaashiga ka dhaxeeya labadda dhinac.

Wasiir Toorno, ayaa tilmaamey in safarkiisa ujeedooyin kala duwan xambaarsan yahay, isagoo sheegay tan koowaad iney tahay wada xaajood ay la yeelanayaan hey’adaha deeqda waxbarasho siiya.

Toorno, ayaa dhanka kale carabka ku dhuftey iney doonayaan in xiriirka waxbarasho ee Kenya ay la leeyihiin iney doonayaan iney balaariyaan.

Wasiir Toorno, ayaa intaa raaciyey iney si gaar ah u daneynayaan in laga kaalmo jaamacadaha Somaliland dhanka tayeynta waxbarashada, cilmi baarista iyo farsamada gacanta.

Soomaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa sanadiihii dambe waxaa ay si caadi ah ula macamiileysan qaar kamid ah madaxda dalalka Afrika, kuwaas oo qaarkood ay ka carootay dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post