738 Views

Booliiska Somaliland oo Dad u xiray Dilka AUN Xildhibaan Cabdirisaq Cardoofe.

Booliiska Somaliland oo Dad u xiray Dilka AUN Xildhibaan Cabdirisaq Cardoofe.
____________________________________________________________________________

Axad: September 12, 2021

Ciidamada ammaanka Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ayaa gacanta ku dhigay dad ay ku tuhmeen in ay ka dambeeyeen dilka AUN Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi Cardoofe oo xubin ka ah Golaha Deegaanka.

Dilka kaddib waxaa dhacay dibadbax xooggan oo ay sameeyeen ehelka Marxuumka & qaar kamid ah dadka Laascaanood, saraakiisha Booliiska Somaliland oo la hadlay dadkaas ayaa u sheegay in ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad ay tuhmayaan.

Cabdiraxiin Cali Ismaaciil Duqa Magaalada Laascaanood oo la hadlay BBC-da waxa uu sheegay in Baarista Booliiska lagu kala ogaanayo dadka ay hayaan, qofkii ku lug yeesha kiiska la maxkamadeynayo halka ruuxii lagu waayo xorriyaddiisa la siinayo.

“AUN Cabdirisaaq Axmed Cilmi waxaa lagu hor dilay gurigiisa, Saraakiisha Booliiska ayaa inoo sheegay in baaritaan uu socdo, kama hor dhaceyno balse si feejigan ayaa loo baarayaa dadka loo qabtay dilkaan” Sidaasi waxaa yiri Duqa Laascaanood.

Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool waxaa marar kala duwan lagu toogtay shaqsiyaad xilal kala duwan haya, Hay’adaha ammaanka ayaa dad u qabtay kiisaskaas inkasta oo aanay jirin natiijo dib ay kasoo gudbiyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post