1065 Views

Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga ee dalka Soomaaliya Mahmet Yilmez

Rooble oo  xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga ee dalka Soomaaliya Mahmet Yilmez
____________________________________________________________________________

May 7, 2021

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga ee dalka Soomaaliya Mahmet Yilmez.

War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay Kulanka labada mas’uul looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal iyo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa maalmahan kulamo kala duwan oo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka wuxu la qaadanayay safiirada Shisheeye iyo wakiilada Caalamiga ah ee ku sugan Muqdisho.

Dowlada Turkiga ayaa ka mid ah wadamada ugu horeeya ee dowlada Soomaaliya ay xiriir wanaagsan iyo iskaashi la leedahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post