345 Views

Madaxwayne Donald Trump oo lagu tuhmay inuu qariyey oo uu ka saaray dukumentiyo intii lagu jiray baaritaan ay hey’adda FBI-da

Madaxwayne Donald Trump oo  lagu tuhmay inuu qariyey oo uu ka saaray dukumentiyo intii lagu jiray baaritaan ay hey’adda FBI-da
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 31, 2022

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa lagu tuhmay inuu qariyey oo uu ka saaray dukumentiyo, intii lagu jiray baaritaan ay hey’adda FBI-da ku sameysay dhismo uu leeyahay bishii June ee lasoo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiisha waaxda cadaaladda.

Dacwad ay u gudbisay maxkamad, ayay waaxdu waxay ku sheegtay “in laga yaabo in la sameeyey xog xasaasi ah, si loo banjariyo baaritaanka dowladda”.

Gudbinta dacwadda, ayaa jawaab u ah dacwad kal hore geeyey maxkamad Trump, ee dalbashada qareen “dhexdhexaad ah” – oo loo yaqaan ” master-ka gaarka ah ” – si uu dusha sare ugala socdo qayb ka mid ah kiisaska haatan socda.

Mr Trump ayaa iska fogeeyey inuu wax khalad ah sameeyay, wuxuuna sheegay in xogta uu hayo ay tahay mid aan sir ahayn.

Markay faarujiyaan xafiiska, madaxweynayaasha Maraykanku waa inay ku wareejiyaan dhammaan dukumeentiyadooda iyo iimaylkooda kaydka Qaranka.

Warbixinta la shaaciyey Talaadadii, ayaa madaxa waaxda cadaaladda ee sirdoonka, Jay Bratt, wuxuu ku caddeeyey in ilaa iyo haatan ay sameysay waaxdu isku dayo, taasoo ah in lasoo saarey dukumentiyada madaxweynihii hore.

Baaritaanada ayaa u gogol xaarey in kooxda Kaydka Qaranka, ay tagaan guriga Trump ee Mar-a-Lago bishii Janaayo ee lasoo dhaafay, sidoo kale kooxda FBI ah oo iyana tagay Juunyo, iyo FBI-da oo baaray guriga 8-dii bishan Ogosto.

FBI-da ayaa ku daba jirta in Trump uu si khaldan u maamulay diiwaanka xafiiska, isagoo ka qaatay Aqalka Cad geeyayna gurigiisa Mar-a-Lago xog, ka dib markii uu xafiiska ka tagay bishii Janaayo ee sanadkii 2021-kii

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post