552 Views

Madaxweynaha Israa’iil oo safarkiisa Imaaraatka ku tilmaamey taariikh lama ilaawaana

Madaxweynaha Israa’iil oo safarkiisa Imaaraatka ku tilmaamey taariikh lama ilaawaana
____________________________________________________________________________


Isniin: January 31, 2022

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa kusugan dalka Isu Tagga Imaaraatka Carabta, waana safarkii ugu horeeyey ee ay halkaasi ku tagaan madax katirsan Israa’iil.

Markii uu sii amba baxayey, Mr Herzog, waxa uu sheegay in maalin waliba qofku aanu heysan fursad uu ku sameyn karo wax taariikhda gala.

Kulanka uu la qaatey madaxda Imaaraatka Carabta, ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisadda mandiqadda ay mar kale cirka isku shareertey.

Bishan laba jeer weeraro ay ka fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn dalka Imaaraatka, taasoo ay ka danbeeyeen kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iiraan.

Israa’iil ayaa u balan qaadey iney ka kaalmeyneyso Imaaraatka sirdoonka iyo dhanka amniga.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Naftali Bennett, ayaa safar shaqo ku tagey Imaaraatka bishii hore, si uu usii xoojiyo xiriirka, kadib markii labaddan dal ay xiriirkooda ka dhigeen mid caadi ah sanadkii 2020-ka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post