1272 Views

Dhambaalka Madaxweyne Farmaajo ee Maalinta Shaqaalaha Adduunka 1da May

Dhambaalka Madaxweyne Farmaajo ee Maalinta Shaqaalaha Adduunka 1da May
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  May  01, 201, 2019 —Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Munaasabada Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May waxa uu dhanbaal u diray dhamaan shaqaalaha soomaaliyeed

 

“waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed oo maskax iyo muruqba geliyey dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

 

Waxaan xasuusannahay dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyagoona saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna.

 

Inkastoo shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku shaqeynayeen duruufo adag sanaddadii la soo dhaafay, haddana waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyagoona fashaliyey yoolka argagixisada Alshabaab ee ku aaddan kala dhantaalidda rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed.

 

Waxaan ka tacsiyeynayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee maskaxdooda iyo muruqooda iyagoo ugu adeegaya dalkooda iyo dadkooda ku naf waayey falalkii ay argagixsada soo maleegtay.

 

Dowladdu waxa ay xoogga saartay dhammeystirka shirciga shaqaalaha oo xaqiijinaya in ay ku shaqeeyaan xuquuq dhammeystiran iyo deegaan shaqo oo fayoow.

 

Sidoo kale, waxaan mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaarad ku filan nolashooda, taasoo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna.

 

Waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah, si aan u adkaynno xuquuqda shaqaalaha, horumarka iyo wada jirka umaddeenna”,ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment