309 Views

Dowladda Mareykanka oo Safiir Cusub usoo Magacowday Soomaaliya

Dowladda Mareykanka oo Safiir Cusub usoo Magacowday Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadishu | March 30, 2023 – Dowladda  Mareykanka ayaa  Ambasador Richard H. Riley, usoo magacowday Safiirkeeda cusub ee fadhin doona Soomaaliya, kaas shaqada kala wareegi doona Safiirkii ka horeeyay Larry André oo xilka hayay tan iyo Febraayo 2022 oo xilkaas uu soo hayay.

Safiirka lasoo magacaabay ayaa ah safiir heysta awood buuxda,oo aan caadi aheyn oo uu ugu  kumatalo dawladda Mareykanka, waxaana la sugayaa in ay soo meelmariyaan aqalka Senet-ka dalka Mareykanka, isaga oo darajo sare ka gaaray siyaasadda arrimaha dibada ee Maraykanka oo uu hoostagi doona.

Safiirka cusub ee dowladda Mareyka usoo magacowday Soomaaliya Richard H. Riley, ayaa ah xubin ka tirsan Adeegga arrimaha dibadda ee sare. Waxa uu noqday La-taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee Safaaradda dalka Maraykanka ee magaalada Ottawa, Canada.

Sidookale Safiirka cusub wuxuu soo ahaa Qunsulka guud ee Mareykanka ee magaalada Peshawar, Pakistan. Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay hawlo hogaamineed oo sare sida safiir ku xigeen (Charge d’Affaire), iyo ku xigeenka madaxa safaaradda Maraykanka ee Oslo, Norway, kaaliyaha madaxa safaarada Maraykanka ee Kabul, Afgaanistaan, ku xigeenka madaxa ergada Safaaradda Mareykanka ee Sanca, Yemen, iyo Wakiilka Sare ee Kooxda Dib u dhiska Gobolka Nangahar, Afgaanistaan.

Dhanka kale Safiirka lasoo magacabay shaqooyinka uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa inuu mar soo ahaa, Agaasime Ku-xigeenka Xafiiska Masar ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Isuduwaha Sare ee Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka ee Safaaradda Maraykanka ee Baqdaad, Ciraaq.

Ugu dambeyn Safiirka cusub Haddii aqalka  senate-ka dowladda Mareykanka uu meel mariyo waxa uu bedeli doonaa Larry André oo xilka hayay tan iyo Febraayo 2022, waxaana magacaabistiisa ay kusoo aadaysaa xilli dowladda Soomaaliya Mareykanku uu ka taageero dhinacyo badan oo ay kamid tahay dagaalka Al-shabab oo dowladdu ay ku dhawaaqday wajigiisa labaad.

_____________________________________________________________

Qaranimo Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post