375 Views

Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Isniin: SEPTEMBER 12, 2022

Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa Al-shabaab kala lawareegay deegaano dhowr ah oo ku yaalla Koofurta gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.

Deegaannada xalay laga saaray Al-shabaab ayaa kala ah Xarar-lugoole iyo Fidow oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay howgallada ay Ciidanka ka samaynayaan Gobolka Hiiraan, walow tirada rasmiga aan weli la caddeyn.

Maalmihii la soo dhaafay deegaannada Gobolka Hiiraan waxaa ka socda abaabulka dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kuwaasi oo ay hormuud u yihiin dadka deegaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post