978 Views

Weerar sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Mudug

Weerar sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Mudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 12, 2019–Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in weeraray sababay dhimashada hal Ruux  iyo dhaawaca mid kale  lagu qaaday qaar kamid ah dadka Dhuxusha Shida oo ku nool deegaan hoostaga Magaalada Gaalkacyo.

 

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka Dhagtuur oo qiyaastii 120km dhinaca koonfureed ka xiga magaalada Galkacayo,waxaana la sheegay inay weerarka ka dambeeyeen maleeshiyaad deegaanka ah.

 

 

Qof kamid ah dadka ku nool deegaanka Dhagtuur ayaa Risaala u sheegay in dadka deegaanka ay horay ugu amreen inay joojiyaan dadka dhirta  jaraya ee dhuxusha ka sameynaya,hayeeshee ay taasi ka dhega adeeygeen,isla markaana ay keentay in xalay saqdii dhexe weerar ay ku qaadaan.

 

Qofka dhintay ayaa waxaa la sheegay in uu kamid ahaa dadka Dhuxusha shidayay halka qof kamid ah maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday uu dhaawac soo gaaray kaas oo la geeyey Isbitaalka deegaanka Dhagtuux ee Gobolka Mudug.

 

Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug weli kama hadlin weerarka ka dhacay deegaanka Dhagtuur,waxaana Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degam.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment