2217 Views

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir oo Gacanta uga jabtay Rasaastii shalay..

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee  maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir oo  Gacanta uga jabtay Rasaastii shalay..
____________________________________________________________________________

Feb: 20/2/2021

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim Dheere) oo ka mid ahaa dadkii dhaawacmay shalay markii rasaasta ay ku fureen ciidamada dowladda ayaa ka hadlay sidii ay wax u dhaceen iyo waxa gaaray.

Ibraahim Dheere ayaa sheegay inuu gacan ka jabay intii ay ka cararayeen rasaas ay ciidamada dowladdu ku kala ceyriyeen dad ku banaanbaxayey inta u dhaxeysa garoonka Aadan Cadde iyo isgoyska KM-4 ee magaalada Muiqdisho.

Dadkaas oo markii dambe kala cararay waxaa hor kacaayey musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Cali Kheyre, Cabdikariin Guuleed, Nabadoon Xaad xildhibaano ay ka mid ahaayeen Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odawaa iyo guddoomiye Ibraahim Dheere oo hadda dhaawac ah.

Ibraahim Dheere oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho waxa uu sheegay inuu gacan ka jabay, intii ay xabadaha ka cararayeen, isla markaana maanta la kabay oo hadda ay xaaladiisu wanaagsantahay.

Madaxweyne Farmaajo oo bilo ka hor uu aad u taageeri jiray intii aan xilka laga qaadin ayuu ku tilmaamay diktaatoori aan dooneyn in dalku doorasho galo.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post