588 Views

Uganda oo Ciidankeeda ku sugan Soomaaliya uga digtay weeraro ay qorsheeyeen Al-Shabaab

Uganda oo Ciidankeeda ku sugan Soomaaliya uga digtay weeraro ay qorsheeyeen Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Dowladda Uganda oo kamid ah dowladaha Ciidamada faraha badan ee ka tirsan AMISOM kajoogaan Soomaaliya ayaa Ciidamadeeda uga digtay weeraro Al-Shabaab ka geysan karaan Soomaaliya.
Qoraal loo diray Ciidamada ayaa la faray inay ka digtoonaadaan weeraradaasi argagaxiso maalmaha ciidda Kirismaska, kuwaas oo ay qorshaynayaan dagaalmayaasha Ururka Al-Shabaab.

Gen Peter Elwelu oo ah Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Uganda ayaa ka codsaday askartooda ku sugan Soomaaliya inay muujiyaan feejignaan dheeri ah inta lagu jiro maalmaha ciida Kirismaska oo ku beegan dhamaanta sanadka 2021 iyo horanta sanadka 2022.

Waxaa uu socad u sheegay inay Al-Shabaab qorsheeynayaan weeraro isdaba joog ah oo ay la damacsan yihiin Ciidamada Uganda, hayeeshee looga baahan yahay in laga muujiyo feejignaan.

Lt Gen Elwelu ayaa hadalkan jeediyay mar uu la hadlayay in ka badan 2,500 oo askari oo ka qeyb galay xiritaanka tababarkii 13-aad ee ka-hortagga howlgallada argigixisada, isaga oo ugu baaqay Ciidamada inay wadashaqeyn la yeeshaan Ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Uganda, kuwaas oo ka howlgalla intooda badan  Shabeellooyinka, iyaga oo dagaal la gala Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post