354 Views

Naxashka meyka Pele oo la yaalla garoonka Santos kahor aaskiisa

Naxashka meyka Pele oo la yaalla garoonka Santos kahor aaskiisa
____________________________________________________________________________

Talaado: January 3 2023

Madaxweynaha cusub ee dalka Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, ayaa ku biiray dadka u baroor diiqaya ciyaaryahankii dhowaan geeriyooday ee Pele, kaas oo naxashka meydkiisu yaallo garoonka Santos.

Sawiro laga baahiyay telefishanada ayaa muujinayay Lula o dhexda uga jira tira dad ah oo hareereeyay naxashka ciyaaryahankaasi.

Tobanaan kun oo qof, oo qaarkood ooyayay ayaa tan iyo xalay saf ku jiray, si ay u sagootiyaan meydka ciyaaryahankaasi.

Pele ayaa geeriyooday todobadkii la soo dhaafay isagoo da’adiisu tahay 82 sano jir. Wuxuu xulka Brazil ka caawiyay inay sadex jeer ku guuleysato tartanka Koobka Adduunka.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post