645 Views

Israaiil oo duqeymo ka geystay marinka Qazza

Israaiil oo duqeymo ka geystay marinka Qazza
____________________________________________________________________________

.

Sabti: June 18, 2022

 Diyaaradaha dagaalka maamulka israaiil ayaa duqeymo xooggan kafuliyay qeybo kamid ah marinka Qazza maanta oo sabti ah waxaana duqeymahaas ay sheegeen iney jawaab u ahaayeen gantaallo laga soo riday marinka qazza kuwaasi oo kudhacay magaalada Ashkelon oo dhacda koonfurta israaiil.

Warbaahinta falastiin ayaa sheegay in duqeymaha israaiil lagu bartilmaameedsaday dhul beereedyo hasa ahaatee millatariga israaiil ayaa shaaca kaqaaday in ay duqeymaha labeegsadeen fariisimo dagaalyahannada ururka xamaas ay kuleeyihiin marinka Qazza.

Majiro qasaaro lasoo wariyay taasi oo kadhalatay duqeymaha diyaaradaha dagaalka israaiil ay kageeysteen marinka qazza sido kale majiro wax War ah oo kasoo baxay dagaalyahannada ururka xamaas kuwaasi oo iska caabbiya weerarada israaiil.

Jimcadii duqeymo diyaaradaha israaiil ay kafuliyeen magaalada Jenin oo dhacda daanta galbeed ee carriga falastin ayaa waxaa kudhintay 3 ruux halka 10 kalana ay kudhaawacmeen.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post