333 Views

DFS oo gargaarkii ugu horreeyay gaarsiisay deegaannada laga saaray Al-shabaab

DFS oo gargaarkii ugu horreeyay gaarsiisay deegaannada laga saaray Al-shabaab
____________________________________________________________________________


Talaado: September 26, 2022

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gargaargii ugu horeeyay u dirtay deegaanada gobolka Hiiraan ee laga xoreeyay ururka Al-shabaab.

Ayada oo la fulinayo amarkii Ra’iisal wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre ee shalay oo ahaa in gargaar dag dag ah lala gaaro deegaanada laga saaray Al-shabaab, ayaa hey’adda Maareynta Musiibooyinka waxaa ay gargaar raashin ah u dirtay magaaladda Buula-burde.

Gargaarkaan ayaa waxaa uu isugu jiraa raashin iyo agabyo kale waxaana garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho ka qaaday diyaarad gaar ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post