768 Views

Dowlada Itoobiya oo yeelatay dowlad deegaankii 11-aad oo qaata madax banaani

Dowlada Itoobiya oo yeelatay dowlad deegaankii 11-aad oo qaata madax banaani
____________________________________________________________________________

Sabti: October 9, 2021

Guddiga Doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay afti laga qaaday qowmiyado ku nool deegaanka Shucuubta Koonfureed natiijada ka soo baxday ay muujineyso qowmiyadaha aftida laga qaaday iney u codeeyeen iney sameystaan dowlad deegaan la magac baxay Koonfur Galbeed.

Guddiga oo maanta oo Sabti ah shaaciyey natiijada aftida shacabkaasi laga qaaday ayaa sheegay 96% shacabkii codkooda dhiibtay iney u codeeyeen iney noqdaan deegaan madax bannaan oo ka go’ay Deegaanki Shucuubta Koonfureed ee ay ka tirsanaayeen.

Codbixinta aftida oo ay iisu diiwangeliyeen 1,344,622 qof waxaa codkooda ka dhiibtay 1,262,679.

Natiijada Aftida iyo aasaaska dowlad deegaankaasi cusubna waxaa go’aanka ugu dambeeya ka gaaraya golaha federeeshiinka ama aqalka sare uu leeyahay dalkaasi Itoobiya.

Deegaankan cusub ee Koonfur Galbeed la magac baxay ayaa noqonayaa deegaakii labaad ee ku soo biiro qaab dhismeedki dowlada Federaalka tani iyo marki Abiy Axmed uu hoggaanka dalka Itoobiya qabtay, iyada oo sanadki horana golaha uu meel mariyey dowlad deegaanka Sidaama oo noqday deegaanki 10-aad oo xubin ka ah dowladda Federaalka.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post