726 Views

Dagaal ku dhex maray Ciidamo ka wada tirsan dowladda isgoyska Ex-Control Afgooye

Dagaal ku dhex maray Ciidamo ka wada tirsan dowladda isgoyska Ex-Control Afgooye
____________________________________________________________________________

Sabti: July 24 2021

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo isku qabtay lacago laga qaado gaadiidka laga raro halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay afar qof oo shacab ahaa iyo labo askari, sida ay saxaafada u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale Wararka ayaa intaasi ku daraya in afarta ruux shacabka ee geeriyootay ay kala ahaayeen labo arday oo Jaamacad u socotay, Haweeney goobta ku lahayd maqaaxi iyo qof kale oo la socday gaari BL ah oo xilligaas marayey goobta uu dagaalku ka dhacay.

Office Bairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post