1167 Views

Mareykanka oo ka qaaday cunaqabateyntii saarneyd dacwad oogaha sare ee Maxkamadda Caalamiga ah (ICC) Fatou Bensouda.

Mareykanka oo  ka qaaday cunaqabateyntii saarneyd dacwad oogaha sare ee Maxkamadda Caalamiga ah (ICC) Fatou Bensouda.
____________________________________________________________________________

Cunaqabateynta ayaa waxaa soo rogay Madaxweynihii hore Donald Trump kaddib markii ay maxkamaddu baaritaan ku furtay dembiyada dagaal ee la sheegay in Mareykanka uu ka geystay Afghanistan, iyo dalka xulafada la ah Mareykanka ee Israa’iil oo iyadana lagu eedeeyay inay tacaddiyo ka geysatay geyiga Falastiin.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay in cunaqabateyntu ay ahayd “mid aan habbooneyn oo aan waxtar lahayn” wuxuuna ku baaqay in si dhow la iskula shaqeeyo.

Mareykanku xubin kama aha ICC.

Mareykanka ayaa sidoo kale Phakiso Mochochoko, oo ah sarkaal ka tirsan ICC ka qaaday xayiraad dhanka dal ku galka ah oo saarneyd.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Mareykanka Antony Blinken ayaa ku baaqay wada shaqeyn dhow oo dhex marta Mareykanka iyo ICC

“Waxaan rumeysannahay, si kastaba, in walaaceenna ku saabsan kiisaskan ay fiican tahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo intii la soo rogi lahaa cunaqabateyn,” ayuu yiri.

Sanadkii la soo dhaafay, maamulka Trump ayaa ICC ku eedeyay inay soo fara gashatay arrimaha gudaha ee Mareykanka kaddib markii ay baaritaan ku furtay dembiyada dagaal ee la sheegay in ciidamada Mareykanka, Taliban iyo ciidamada Afghanistan ay ka geysteen dalkaas.

Markii uu ku dhawaaqayay cunaqabateynnada, ninkii Mr Blinken kaga horreeyay xilka Mike Pompeo wuxuu maxkamadda ku tilmaamay “waax burbursan oo musuqmaasuqu hareeyay”.

ICC oo arrintaas ka jawaabtay ayaa sheegtay in cunaqabateyntu ay tahay weerar ka dhan ah caddaaladda caalamiga ah iyo kala dmabeynta.

Ms Bensouda ayaa shaqada ka tegeysa bisha June, waxaana beddeli doona qareenka xuquuqda aadanaha ee u dhashay Britain Karim Khan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post