867 Views

Qof rag ah oo lagu tuhmayo inuu u labistay sidii dumarka oo ay booliiska Kenya soo xireen

Qof rag ah oo lagu tuhmayo inuu u labistay sidii dumarka oo ay booliiska Kenya soo xireen
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Qof rag ah oo lagu tuhmayo inuu u labistay sidii dumarka, ayaa kamid ah laba ruux oo laga shakisan yahay oo ay booliiska Kenya soo xireen.

Waxaa lasoo xirey burcaddan mar ay isu diyaariyeen iney ku kacaan fal dambiyeed agagaarka xaafadda Langata ee magaalada Nairobi.

Peter Omweno Momanyi, waa 24 sano jir, kaasoo loo xirey inuu u labistay sidii haweenka, iyadoo uu wehlinayey saaxiibkii John Muchiri Kimani, oo 25 sano jir ah.

Labadan qof ee laga shakisan yahay, ayaa iska diidey amar uu siiyey sargaal booliis, kaasoo ka dalbadey iney istaagaan, kagadaal markii uu labadooda mid kamid ah uu si wanaagsan inta u eegay, markaa kadibna uu ka shakiyey inaanu haween aheyn.

Markii uu ku amrey iney istaagaan, way ka diideen, iyagoo markaa kadib ka cararey.

Si kastaba ha ahaatee, burcaddii, ma aysan fileyn in sargaalka booliiska uu awoodi doono eryistooda, illaa iyo markii uggu danbeysay uu soo xirey iyagii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post