1842 Views

Ehelada Bajaajle lagu dilay Muqdisho oo walaac muujiyey

Ehelada Bajaajle lagu dilay Muqdisho oo walaac muujiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 14, 2019 –Sayid Cali Maxamed Mustaf oo ah Abtiga wade Mooto Bajaaj uu shalay askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in wiilka la dilay uu xubin muhiim ah ka ahaa Caawinta qoyskiisa.

Waxa uu kaalin sare kaga jiray biilka qoyska, isagoona lacagaha uu ka shaqeeyo Mootada uu ku biili jiray 10 ruux oo ay ku jiraan labadiisa waalid.

Sayid  Cali Maxamed Mustaf waxa uu sheegay in Maxmed Cabdiqaadir Cabdullaahi uu ahaa wiil uu isaga soo korsaday, ruux kale ee mootada saarnanaa uu ahaa abtigiis, islamarkaana uu Aabihii ahaa qof qaba Cudurka dhiikar-ka.

Dhinaca kale Siid Cali Maxamed Mustaf waxa uu sheegay in walaac badan ay ka qabaan in aan cadaaladda la marsiin Askariga dilka u geystay Wiilashooda.

Taliska Booliska Soomaaliya  ayaa waxa ay sheegeen in aan wali gacanta lagu soo dhigin Askariga dilka geystay dadkaasi, hayeeshee las oo qabtay Taliyihii aagaas.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment