819 Views

Afhayeenka Itobiya oo ku tilmaamay hadal ka soo Yeeray Suudaan wax lagu Qoslo.

Afhayeenka  Itobiya oo ku tilmaamay hadal ka soo Yeeray Suudaan wax lagu Qoslo.
____________________________________________________________________________

May 5-2021

Wasaarada Arimaha dibadda Sudan ayaa dhawaan sheegtay in hadii Itoobiya ka baxdo heshiisyada biyo xireenka in Sudan ay sheegan doonto lahanshaha gobolka Benishaangul-Gumuz oo ah goobta laga dhisayo biya xireenka weyn ee Itoobiya.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Diina Muftii oo Warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xishoodo oo sharciga iyo nidaamka baalmarsan ku tilmaamay in Sudan sheegato Gobolka Benishangul Gumuz.

Diina Muftii ayaa sidoo kale sheegay dowlada Sudan in ay wado dhaq dhaqaaqyo abuuraya xasilooni daro, waxa uuna ku eedeeyay in ciidamada Sudan qabsadeen dhul ee leedahay Itoobiya ayna halkaasi ka geesteen dhac iyo dhibaatooyin kale.

“Suudaan iyada oo dhul ay Itoobiya leedahay xoog ku qabsatay haddana iney bayaanno aan munaasab ahayn ay soo saarto, Itoobiya si dhow ayey ugu kuur galeysay. Ciidamada Suudaan oo dhac iyo bililiqo ka wada dhulka Itoobiya ee ay qabsadeen iney u dulqaadato ay Suudaan u aragtay daciifnimo ama cabsi.” ayuu yiri Diina Mufti.

Sidoo kale Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Diina Muftii ayaa sheegay khilaafka Itoobiya iyo Suudaan u dhaxeeya ee salka ku hayo arrimaha xadka uu wax xiriir ah la laheen biya xireenka weyn ee ay Itoobiya dhiseyso.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post