753 Views

Booliska Beledweyne oo sheegay inay u diyaar garoobeen Amniga doorashada

Booliska Beledweyne oo sheegay inay u diyaar garoobeen Amniga doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 15, 2021=Waxaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan tababar loogu soo geba-gabeeyay saraakiil ka tirsan Booliska Gobolka Hiiraan & Xubno kamid ah Ururada Bulshada rayidka, kaas oo  lagu baranayay sidii looga qeyb qaadan lahaa sugida amniga doorashooyinka.

Tababarka ayaa waxaa bixinayay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxana ka qeyb galay, taliye ku xigeenka ciidamada booliska Hirshabelle Korneyl Xassan Kaafi Maxamed Ibraahim, taliyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan Korne Isaaq Cali Cabdulle, iyo saraakiil ka tirsan ciidamada booliska AMISOM.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan Korneyl Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in saraakiishaan la tababarayo ay noqon doonaan kuwo ka qeyb qaata sugida Amniga doorashooyinka Aqalka Hoose ee lagu qabanayo Magaalada Beledweyne.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada Booliska Beledweyne ay ku dadaali doonaan in wax amni darro ah aysan dhicin mudada kooban oo ay socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

Magaalada Beledweyne  ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha loo asteeyay in lagu qabto doorashada Golaha Shacabka, waxaana ka socda diyaar gaoowgii ugu dambeeyay ee doorashada.


Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post