993 Views

Wasaaradda Difaaca Japan oo sheegtay in ciidamada Japan ee joga Jabuuti uu ku dhacay cudurka coronavirus’

Wasaaradda Difaaca Japan oo  sheegtay in ciidamada Japan ee joga Jabuuti uu ku dhacay cudurka coronavirus’
____________________________________________________________________________

Aprik 8/4/2021

Wasaaradda Difaaca Japan ayaa sheegtay in xubno ka tirsan ciidamada difaaca Japan ee ku howlgalka magaca la-dagaallanka burcad-badeedka Soomaaliya ee ku sugan Jabuuti uu ku dhacay cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’.

Ilaa 180 ka tirsan ciidanka Difaaca Japan ayaa hadda ku sugan saldhigga howlgalka ee Jabuuti.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhammaan askarta la baaray ka dib markii la xaqiijiyay in xubno ka tirsan ay qaadeen xanuunka Jimcihii la soo dhaafay iyo Sabtida. 17 askari oo dheeri ah ayaa laga helay xanuunka, taas oo ka dhigeysa wadarta guud 21.

Askarta qaaday cudurka ayaa hada xaaladoodu wanaagsan tahay isla markaana la karantiilayo.

Fayriska ayaa markii hore laga soo sheegay shaqaalaha taageera ee mas’uulka ka ah amniga saldhigga, laakiin kiisaska cusub ayaa la sheegay in ay ku jiraan shaqaale diyaaradeed oo loo xilsaaray howlaha ilaalada iyo dabagalka.

.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post