378 Views

Garaad jaamac oo kamid ah isimada dhaqanka Gobolada Laascaanood oo Somaliland ugu baaqay inay deg deg uga baxaan magaalada Laascaanood

Garaad jaamac oo kamid ah isimada dhaqanka Gobolada Laascaanood  oo  Somaliland ugu baaqay inay deg deg uga baxaan magaalada Laascaanood
____________________________________________________________________________

.

Axad: JANUARY 1, 2023

Waxaa Xalay Warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Laascaanood Garaad jaamac garaad ismaaciil oo oo kamid ah isimada dhaqanka Gobolada SSC, Wuxuuna maamulka Somaliland ugu baaqay inay deg deg uga baxaan magaalada Laascaanood.

 “Ciidamada somaliland degdeg ha uga baxaan Laascaanood , Xasuuqa ka socda waa mid 15 jirsaday loomana dulqaadan karo,”

“ Waxaan ugu baaqayaa 13-ka isim ee Dhulbahante inay Laascaanood yimaadaan halkan ayaa lagu dhiman ama lagu noolaan”. Ayuu yidhi Garaad jaamac garaad ismaaciil.

Hadalka garaadka ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay gobolka ka socdeen Kacdoono bulshadu uga soo horjeedo Somaliland dhibaatada ay ku hayso Laascaanood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post