447 Views

Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hadashay dadkii Al-shabaab ku dileen G/Hiiraan

Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hadashay dadkii Al-shabaab ku dileen G/Hiiraan
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 3, 2022

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay falka ay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ku dileen dadka shacabka, isla markaasna ay ku gubeen Gaawaari iyo raashin ee ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xuntahay weerarka wuxuushnimada ah ee kooxaha Argagixisada ah ku dileen dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda ee ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Weerarkaan waxaa uu muujinayaa cadownimada kooxda nabad-diidka ah ee Al shabaab iyo in aanay dadka Soomaaliyeed u tureen, waxa kale oo uu hoosta ka xariiqayaa xanuunka ka gaaray dagaaladii wadajirka ahaa ee ay la galeen bulshada deegaanka oo kaashanaya dowladooda.

Weerarkani wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in maleeshiyaadka arxan laawayaasha ah ay sii tabar darnaanayeen oo aanay awooddin in ay wajahaan Ciidanka Qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay garab taagan tahay dadka deegaanka ee is abaabulay una taagan iska kor qaadidda kooxahaan cadowga ku ah jiritaanka dadka Soomaaliyeed, waxaana iyada oo kaashanaysa dadka deegaanka ka bixin doontaa jawaab u dhiginta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post