876 Views

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo Ra’iisul Wasaare Rooble ugu baaqay in uu soo daayo lacago uu ku sheegay in laga xannibay Somaliland

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo  Ra’iisul Wasaare Rooble ugu baaqay in uu soo daayo lacago uu ku sheegay in laga xannibay Somaliland
____________________________________________________________________________

Isniin: April 4, 2022

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID , Feysal Cali Waraabe ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay in uu soo daayo lacago uu ku sheegay in laga xannibay Somaliland.

Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay tallaabada uu kusoo daayanayo lacagihii qeybta ka ahaa dhaqaalo ay jamhuuriyadda gooni isu taageedda ku dhawaaqday ee Somaliland ka heli jirtay deeq bixiyayaasha taageera Soomaaliya, balse laga hakiyay bilowgii 2017.

“Lacagta waa lacag aan anagu leenahay weeye, waxaana lagu heshiiyay sanadkii 2013 in aan la siyaasadeyn wixii mucaawino ah, Ra’iisul Wasaare Roble wuu mahadsan yahay lacagteeni buu noo soo daayay”

“Qaar kalena weyn naga xanniban yihiin, Rooble waxaan kaa codsaneynaa in kuwa kale aad soo daayso ayaan dooneynaa, lacagtaas waa lacagta horumarka loogu talagalay” ayuu yiri Feysal Waraabe oo maanta warbaahinta kula hadlayay Hargeysa.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lacag dhan 11.7 milyan oo dollar ay u dirto Hargeysa si loogu taakuleeyo dadka ku xoolo beelay dabkii baabi’yay suuqa Waaheen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post