1083 Views

Sawiro:-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo Muqdisho uga qeyb galay xuska Maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga

Sawiro:-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo Muqdisho uga qeyb galay xuska Maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 08,, 2019  –Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane; Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Magaalada Muqdisho  uga qayb galay xaflad lagu maamuusayay Maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga.

 

Munaasabadda oo lagu maamuusay Maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga oo ku beegan June 2, ayaa waxaa goob joog ka ahaa safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mr. Carlo Campanile, mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah Safiirrada Dalalka caalamka ka jooga Dalkeenna.

 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka ayaa Dowladda Talyaaniga ugu hambalyeeyay xuska Maalintan, wuxuuna sheegay in Talyaaniga iyo Soomaaliya ay leeyihiin xariir xooggan oo soo jireen ah.

 

Laga soo billaabo 1946, Sannad kasta ayaa Dalka Talyaaniga iyo Safaaradaha uu caalamka ku leeyahay waxaa laga wayneeyaa 2-da Bisha June oo ah Maalintii Talyaanigu uu ka guuray Boqortooyada ee uu isu beddelay Jamhuuriyad.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment