2109 Views

Isbedel ayaa lagu sameeyey Diblomaasiyiinta Safaradda Soomaaliya ee Suudaan

Isbedel ayaa lagu sameeyey Diblomaasiyiinta Safaradda Soomaaliya ee Suudaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 5, 2018 –  Gudaha safaaradda Suudaan waxaa ka dhacday munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen sii hayihii hore ee Safaaradda Suudaan Axmed Ibraahim (Buurfuule), wuxuuna xilka wareejiyay sii hayaha cusub Cusmaan Axmed Maxamed oo Wasaaradda arrimaha dibadda ay u idmatay xilkaasi.

Isbedelka cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii Ardayda wax ka barata dalkaasi ay ka dacwad ka gudbiyeen safiirkii Soomaaliya ee Suudaan, xilli Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu booqasho ku tagay wadankaasi.

Xafladda xil wareejintan oo ay ka qeyb galeen Diblomaasiyiinta Safaaradda, Jaaliyadda iyo masuuliyiin kale ayaa waxa ay ku soo dhamaatay si nabad ah.

Axmed Ibraahim (Buurfuule) oo la hadlay waraabinta ayaa xil wareejinta kadib u mahadceliyay diblomaasiyiinta la soo shaqeysay, wuxuuna codsaday in lala shaqeeyo masuulka cusub.

“Waxaan xilkaas si sharaf leh ugu wareejiyay walaalkey, waxaa sharaf weyn ii ah inaan ka soo shaqeeyay safaaradda Suudaan, waxaan u mahadcelinayaa Jaaliyadda, Ardayda, waxaan idinka codanayaa inaad la shaqeysaan Mudane Cusmaan”. Ayuu yiri Axmed Buurfuule.

Cusmaan Axmed Maxamed oo xilka la wareegay ayaa wuxuu sheegay inuu wax badan ka qaban doono hawlaha safaaradda, si gaar ahna uu diirada u saari doono cabashooyinka Ardayda.

“Waxaa sharaf ii ah inaan la wareegay xilkii safaaradda Soomaaliya ee Suudaan, runtii safaaradda mudooyinkii la soo dhaafay waxaa ka taagnaa cabashooyin, waxaan ka jawaabi doonaa Arday cabashooyinkooda, Safaaradda qof walba oo Soomaali ah ayay u furan tahay”. Ayuu yiri Danjire Cumaan.

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Suudaan ayaa aad u soo dhaweeyay isbedelkan cusub, waxayna Ra’iisul Wasaraha ku amaaneen sida uu uga jawaabay cabashadooda.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment