894 Views

Axmed Madoobe iyo Xubnihii la heshiiyey oo Kismaayo kusoo wajahan

Axmed Madoobe iyo Xubnihii la heshiiyey oo Kismaayo kusoo wajahan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 28- 2020–Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Magaalada Kis Kismaayo ay soo gaaraan Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland iyo Xubno ay kamid yihiin hoggaanka isbedel-doonka Jubbaland ee uu dhawaan heshiiska ku dhexmaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Xubnaha Wafdiga oo ku sugan Magaalada Nairobi  ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah  qaar kamid ah Golaha Wasiiradda Jubbaland,waxaana qaban qaabada soo dhaweyntooda laga dareemayaa Magaalada Kismaayo.

 

 

 

Axmed Madoobe iyo Xubnihii Isbedel-doonka Jubbaland ee kala ah Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig, Cabdi Naasir Seeraar iyo Sheekh Daahir ayaa wada-hadallo Nairobi ka dhacay waxaa ay ka heshiiyeen khilaafkii ka dhashay doorashadii Bishii Agoosto ee sanadkii 2019 lagu qabtay Kismaayo laguna doortay Axmed Madoobe.

 

Mas’uuliyiinta  Maanta tagaya Kismaayo ayaa waxaa la filayaa inay ka hadlaan heshiiskii ay gaareen iyo qorshohooda xiga,waxaana warar kale ay sheegayaan in Cabdi Naasir Seeraar iyo Xidig la filayo in hub iyo Ciidamo ay heystaan inay ku wareejiyaan Maamulka Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment