804 Views

Madaxweyne K/xigeenka Kenya oo ka hadlay sababta looga hor istaagay in Kenya safar dibadda ah uga baxo

Madaxweyne K/xigeenka Kenya oo ka hadlay sababta looga hor istaagay in Kenya safar dibadda ah uga baxo
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 4, 2021

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto, ayaa ku tilmaamay tallaabadii looga joojiyay safar uu ku aadayay dalka Uganda qorshe ka dhan ah damaciisa siyaasadeed.

Wareysi uu saaka siiyay Raadiye maxalli ah oo la yirahdo (Inooro FM), ayuu William Ruto ku sheegay inuu horay booqasho rasmi ah iyo mid gaar ah oo aan fasax laga weydiin ugu ku tagay Uganda.

Wuxuu sharraxay in socdaalkiisu uu uga gol lahaa inuu wax ka soo barto sanduuqa maalgeinta ee Uganda si waafaqsan ololihiisii dhowaan ee ahaa in sare loogu qaado nolosha dadka dakhligoodu hoseeya ee ku nool Kenya iyo sido kale in la kobciyo guud ahaan dhaqaalaa Kenay.

Markii la weydiiyay sababta uusan madaxweynuhu Uhuro uusan war uga hayn qorshaha socdaalkiisa, Ruto ayaa ku jawaabay ‘Ma hubtaa in madaxweynuhu uusan xogta safarkayga?’

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in muddadii 9 -ka sano ahayd ee uu soo ahaa madaxweyne ku -xigeenka, aan marnaba la weydiin fasax la xiriira safaradii uu dibadda ku aaday, wuxuuna la yaabay sababta ay hadda arrintan u soo ifbaxday.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa ayaan dib ugu ku raaxaysan xiriirkii walaaltinimo ee ay lahaayeen bilowgii 2013 kii oo ahayd markii ay qabteen hogaanka dalkani Kenya.

Xiriirkooda ayaa xumaaday ka dib markii ay ‘is -gacan qaadeen dhex hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta sannadkii 2018 -kii, kadib doorashadii ku celiska ahayd ee muranka dhalisay.

Tan iyo markaasina madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu u muuqday mid dhinac ka taagan waajibaadka rasmiga ah ee dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post