252 Views

Boqollaal qof oo ka baxsanaya magaalada Kherson ee dalka Ukraine

Boqollaal qof oo ka baxsanaya magaalada Kherson ee dalka Ukraine
____________________________________________________________________________

Khamiis: 29 December 2022

Boqollaal qof oo rayid ah ayaa ka baxsanaya magaalada Kherson ee koonfurta Ukraine iyadoo ciidamada Ruushku ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah magaalada.

Wariye ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya in mid ka mid ah waddooyinka ka baxa magaalada oo mlaamo ka hor dad sidaa u badan aaney isticmaaleyn ay hadda la ciirciirayso qoysaska magaalada ka cararaya.

Kaliya bishii hore, waxaa jiray muuqaallo laga soo duubay gudaha Kherson. Waxaa qabsaday ciidamada Ruushka maalintii labaad ee duulaanka, magaalada ayaa la xoreeyay 11 November.

Waxaa weli socdaa dagaalka Ukraine iyadooo aan meesha laga saari karin in Ukraine ay qaaddo guluf hor leh.

Sanadka 2023, tallaabada horseedi karto go’aan ah in Ruushka uu qaado weerar xilligga gu’ga, Putin waxa uu qirtay in ilaa 50,000 oo ka mid ah ciidamada cusub ee la soo ururiyey ay horeba u joogeen safka hore; 250,000 ee kale ee kuwa hadda la soo ururiyey waxay tababarayaan sanadka soo socda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post