1308 Views

Duqa Muqdisho oo shaaciyay sababta loo sugi la’yahay Amniga

Duqa Muqdisho oo shaaciyay sababta loo sugi la’yahay Amniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 22-2019 —Iyada oo Maalintii shalay ahayd uu Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo uu saxiixay sharciga la-dadagaalanka musuq maasuqa ayaa Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud maxamed (Cumar Filish) waxaA uu sheegay in amni darada dalka kajirta ay qeyb katahay  musuq maasuqa.

 

Waxa uu sheegay in musuq maasuqa uusan ahayn in lacag la qaato kaliya balse uu qaybo badan yahay taas ayuuna tilmaamay in ay qayb katahay hantida dowladda ee loogu tala galay in loogu adeego Shacabka oo lalunsado.

 

 

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi kudaray guddoomiyaha in musuq maasuqa ay qayb ka tahay in qofka la handado,iyada oo awood loo sheeganaayo , isag oo tusaale u soo qaatay in ay Al–Shabaab ay dadka handadaan iyaga oo awood u sheeganaayo sida uu hadalka u dhigay.

 

Inta badan Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku eedeynaya mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda u Shaqeya in ay kudhaqmaan musuq maasuq , sidoo kale Ciidamada kashaqeeya sugidda amniga ayaa lagu eedeeyaa in ay qaataan laaluush taas oo lafteeda qeyb ka ah Musuq maasuqa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment