84 Views

Dood adag oo ay xildhibaanda ka yeesheen arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka

Dood adag oo ay xildhibaanda ka yeesheen arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho — Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad Kulankiisa 15-aad ee Golaha Shacabka, waxaana kulanka goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar iyo ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Ajandaha kulanka oo ahaa ka doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, waxaana soo xaadiray Kulanka 155 Xildhibaan kuwaasi oo ka dooday arrimaha masiiriga ah ee dalka iyagoo soo hadal qaaday dib u eegista Dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxayna Xildhibaannadu soo jeediyeen in Baarlamaanka la horkeeno wixii heshiis ah oo ay Xukuumaddu soo gasho iyo heshiisyada siyaasadeed ee dalka.

Ugu horreyn qaar kamid ah mudaneyaasha golaha shacabka oo doodooda diiradda ku saaray shaqooyinka baaxadda leh ee horyaalada Baarlamaankan 11-aad ee dalka ayaa tilmaamay in waajibaadkooda ugu weyn uu yahay dib u eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya iyo dhameystirkiisa, iyaga oo xusay in awoodda la isugu geeyo sidii loo qabyo tiri lahaa dastuurka dalka oo in ka badan 11 sano KMG ah taasina ay caqabad ku tahay horumarka dalka iyo sharuucdiisa

Xildhibaannada labada Gole ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 24-kii bishii hore kulan wadajir ah ku anxiyay habraaca wax ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG, iyada oo xildhibaannadu ay doodooda ku sharaxeen sida ay muhiim u tahay in si toos loo gudaha galo qabyo tirka dastuurka. Dhan kale mudaneyaasha golaha shacabka ayaa carrabka ku adkeeyay barlamaanka oo kaliya uu awood u leeyahay ka go’aan gaarista arrimaha masiiriga ah ee dalka. Dooda xildhibaannada ayaa sii socon doonta kulamada soo aadan oo loo ballamay sida uu sheegay guddoomiye Aadan Madoobe.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo xiray fadhiga maanta ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Baarlaamaanka 11-aad intuu jiray wax badan uu qabtay, waxaana uu xusay in maalinta arbacada ah xilli hore la yimaado si loo dhameystiro dooda ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

,

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post